Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Yaa Kusoo Baxay Kuraasta HOP#029 iyo HOP#124?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad  goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu doortay laba kursi oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka oo horay guddigu u shaaciyey, iyadoo dhowaan la filaayo in lasoo gabagabeeyo doorashada kuraasta taalla magalada Kismaayo ee deegaan doorashada koowaad.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#029 waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Musharax Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac iyo musharax Xildhibaan Cabdiqani Cali Ciise, waxaana doorashada ka hor tartanka isaga haray Cabdqani Cali Ciise, waxaana codad gacantaag ah kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Jaamac oo ku guuleystay kursiga sida guddigu shaaciyey.

May be an image of 1 person, sitting, eyeglasses and indoor

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#124 waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo musharax Xildhibaan Cabdullaahi Mukhtar Maxamed, waxaana doorashada ka hor isaga haray tartanka kursiga Cabdullaahi Mukhtar Maxamed, waxaana codad gacantaag ah kusoo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif.

275106980_2512682305532360_4619786658450710741_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395&_nc_cat=105&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=PnU0r6qBwsEAX9-GPqD&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT-MXRI6CjUkhCjjUpGgFjV60dCXrjYD9VuU4C5EDr8diQ&oe=623B2EC4

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this