Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababtay Ciidamada Ruushka ugu adkaatey inay Qabsadaan Caasimada Ukraine-Kiev

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababtay Ciidamada Ruushka ugu adkaatey inay Qabsadaan Caasimada Ukraine-Kiev

Janaraal Sergiy Knyazev wuxuu dusha kala socday kolonyada ciidamada Ruushka oo ku wajahnaa Kiev
Janaraal Sergiy Knyazev wuxuu dusha kala socday kolonyada ciidamada Ruushka oo ku wajahnaa Kiev

Warbixin gaar ah oo ay BBC-da ka diyaarisay dagaalka, waxay wareysi la yeelatay labo janaraal oo u dhashay Ukraine oo u xil saaran difaacidda Kiev, waxay BBC-da u sheegeen in ciidamadooda ay dadaal dheeraad ah geliyaan sidii ay ciidamada Ruushka uga difacai lahaayeen caasimadda.

Janaraaladan ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay sababaha ay u aaminsan yihiin in caasimadda ay muhiim ugu tahay ka hortagga ciidamada Ruushka.

Kiev ayaa noqotay meesha ugu daran ee dagaalka ka dhacay, sidoo kale waxaa saameeyay hubka wax gumaada ee Ruushka.

Laakin caasimadda Kiev iyo agagaarkeeda badanaa weli ma gaarin hubka Ruushka. Qaar ka mid ah magaalooyinka Ukraine ayaa la duqeeyay waxaana jiraa khasaare badan.

Shacab badan ayaa isaga qaxay caasimadda Kiev inkasta oo ay weli jiraan dad ku haray halkaas, dadka waxay wajahayaan dhibaatooyin fara badan.

Webiyada iyo dhulka biyo farriisinka ah-waxay noqdeen dhufeys dabiici ah

Ciidamada ammaanka ee Kiev ayaa sheegay in Ukraine ay si adag u dagaalamayso, balse waxay qireen in caasimadda ay halis ugu jirto in lagu garaaco gantaallo.

Si kastaba ha ahaatee, qaybta sare ee magaalada waa mid ka duwan deegaannada kale, ayuu yiri Janaraal Andriy Kryschenko. Magaaladan weyn waxaa kala qaybiyaa wabiyo.

“Way adag tahay in la wada ilaaliyo, iyadoo la tixgelinayo inay tahay magaalo aad u weyn,” ayuu yiri. “Laakiin dhanka kale, faa’iido ayay inoogu jirtaa, Wabiyada iyo Buundooyinka waxay ku yaalaan afaafka hore ee magaalada, ciidamadeenu waxay sugayaan amnigaa2.

“Duleedka Kiev waxaa ku yaal wabiyo yar yar oo badan oo ku qulqula webiga Dnieper, waxaana jira dhul biyaha ay farriistaan oo badan, taas oo macnaheedu yahay in aagga uusan ku habooneyn dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran.”

Janaraal Andriy Kryschenko wuxuu kamid yahay saraakiisha horkaceyso howlgallada lagu difaacayo Kiev
Janaraal Andriy Kryschenko wuxuu kamid yahay saraakiisha horkaceyso howlgallada lagu difaacayo Kiev

Janaraal Kryschenko, oo sidoo kale ah ku xigeenka duqa magaalada, oo ku labisnaa dareeska militariga, maadaama madaxweynihiisa Volodymyr Zelensky uu xirtay markii uu la hadlayay dadkiisa, isagoo soo jiitay xulafadiisa isla markaana ka careysiiyay cadawgiisa.

Faa’iido kale, guud ahaan, Kiev waa magaalo warshadeed, halkaas oo warshadaha iyo garaashyada noocan oo kale ah ay noqdeen goobo muhiim ah oo lagu soo sameeyo shubka, bacaha ciidda iyo si loogu hortaggo taangiyada dagaalka.

Kryschenko iyo Knyazev ayaa daawanaya shaashad weyn oo ay adeegsadaan si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada Ruushka ee magaalada Kiev.

Waxay ku macneeyeen inay weerareen oo ay ka hortageen laba weerar oo waaweyn: mid ka dhacay bariga iyo mid kale oo laga geystay waqooyi-galbeed, oo ay ku jiraan kolonyo ay la socdeen maraakiibta dagaalka ee Ruushka oo 64 KM ah.

Bundooyin muhiim ah

Buundada Irpin oo la burburiyay
Buundada Irpin oo la burburiyay

Deegaanada dhaca waqooyi-galbeed ee Ukraine ayaa waxaa weli inta badan bartilmaameedsadaa ciidamada Ruushka. Waxay ku yaallaan dhinaca kale ee wabiga Irpin, oo qiyaastii 20 mayl u jira bartamaha Kiev.

Ukrain waxay ciidamo aad u hubaysan geysay halkaas, kuwaas oo burburiyay buundooyin istaraatiji ah. Kumanaan qof oo ka barakacay magaalada Irpin ayaa ka gudbaya webiga iyagoo dulmaraya haraadiga buundada go’an.

Laakiin Jenaraal Knyazev wuxuu yiri: “Tani waa dhul la yaab leh, mana awoodi doonaan inay kasoo tallaabaan, haddii aysan ahayn ciidamadeena ku sugan aagga webiga, si fudud ayay u weerari lahaayeen buundada. Laakin halkaas ayaan joognaa, waxaana dooneynaa inaan burburino bundooyinka”

Guusha milatari ee Ukraine ayaa ka nixisay xulafadeeda iyo cadawgeeda. Madaxweynaha iyo taliyayaashiisa ayaa aad ugu riyaaqay waxqabadka ciidankooda iyo kumannaan mutadawiciin ah.

Hadda weli ciidamada Ruushka ma aysan qabsan caasimadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this