Deeq A. Posted March 19, 2022 Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii ‘cawaaqib xumo’ haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad. Inkasta oo Aqalka Cad aanu faah-faahin waxa ay noqon karaan cawaaqi xumada uu Shiinu la kulmi karo, ama sida Mareykanka uu u qeyxi doono “taageerada agabka”, ayaa xoghayaha warfaafinta Jen Psaki waxa ay tilmaanty in ganacsiga ballaaran ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karo. Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xiriiri doono cawaaqib xumo kasta, isag oo kashanaya saaxiibadiisa iyo dhiggooda Yurub, waxayna sheegtay in cunaqabateyntu tahay kaliya hal qeyb oo ka mid ah waxyaabaha u diyaarsan Mareykanka. Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa kusoo beegmay xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya labada quwadood ee ugu waaweyn adduunka, iyada oo Biden uu tafaasiil ka bixiyey dedaallada Maraykanka iyo xulafadiisa ay kaga jawaabayaan duullaanka Ukraine. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo digniin siiyay dowladda Shiinaha appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites