Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan Mahad Salad oo soo bandhigay arrin uu Farmaajo go’aansaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo galabta ka qeyb galay munaasab lagu soo dhaweynayey Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene oo dib loo soo doortay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Farmaajo uusan melena uga socon Villa Somalia, isagoo balan qaaday in wax dabaal-deg ah aysan sameysa doonin ilaa inta ay Villada ka saarayaan Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa Villa Somalia noo dhex fadhiya nin leh, hadaan meeshaan soo galay melena ugama socdo, hadii aan ka baxaana soomaba galeene faraha hala iga qaado, taasna ka yeeli meyno,” ayuu yiri Mahad Salaad oo Farmaajo weeraraya.

Waxa uu sheegay in markii ay Farmaajo ka saaraan Madaxtooyada ay dabaal degi doonaan oo hadda aysan dhiga doonin wax xaflado ah.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa sheegay in xildhibaanadii fadhiga baarlamaanka laga mamnuucay ay ku jireen isaga iyo Beenabeene, markii mudo kororsiga fashilmay loo sameynayey nidaamka Farmaajo, balse hadda ay ku soo wada laabteen baarlamaanka oo mar kale dib loo soo doortay.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayuu sidoo kale Mahad Saalad uga mahad celiyey in xildhibaanadii muhiimka ahaa uu mar kale fursad u siiyey in baarlamaanka ay dib ugu soo laabtaan oo la soo doorto.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Xildhibaan Mahad Salad oo soo bandhigay arrin uu Farmaajo go’aansaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this