Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlaya Xaalada Ukraine  (Joe Biden Oo Khadka Telefonka Kula Hadlo Dhiggiisa Dalka Shiinaha)

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa maanta oo Jimce ah inuu khadka telefonka kula hadlo Madaxweynaha Shiinaha  Xi Jinping, wadahadalkan oo noqonaya kii ugu horreeyey tan iyo bishii November oo ay labada hoggaamiye yeeshaan.

Labada dowladood ayaa si weyn isugu khilaafsan dagaalka ka socda dalka Ukraine, Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay Shiinaha uga digayey inuu gacan siiyo Ruushka.

Shiinaha oo hore heshiis iskaashi ulla galay Ruushka ayaan illaa iyo hadda cambaareyn duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxayna dalalka reer Galbeedka ka cabsi qabaan in cunaqabateynta ay saareen Ruushka uu dhabar jabiyo Shiinaha oo xidhiidh ganacsi iyo mid millatari laleh Moscow.

Ruushka ayaa la sheegay inuu dhawaan codsi taageero u diray dowlada Shiinaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this