Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Hub Sida Oo Laga Leeyahay Shiinaha Oo Kusoo Xirtay Dekadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Markab hub sida oo ka yimid dalka Shiinaha ayaa maanta kusoo xidhay dekadda weyn ee magaalada Mudqdisho xilli wafdi ka socda dalka Shiinaha ay la kulmeen Raysal Wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan dokomentiyo la helay, waxyaabaha saarnaa markabkaan ayaa waxaa kamid ah shixnado hub oo ka kooban noocyada kala duwan, sida hub, gaadiid dagaal, booyado iyo waxyaabo kale.

Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Wasiirro, Taliyaha Ciidamada Xoogga, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa hubkan iyo agabka millatari kala wareegay dowladda Shiinaha.

Khubaro amni oo arrintan wax laga waydiiyey ayaa shaki geliyey isticmaalka hubkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this