Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dhammaystirtay Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
received_1133070467471616.jpeg?resize=10

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland ayaa dhammaystiray Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Puntland.

Lixdii kursi ee u danbaysay 37 Xubnood ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay magaalada Garoowe.

Xubnaha soo baxay ayaa dhammaantood loogu codeeyay hab gacan-taag ah kadib markii ay tartanka isaga hareen dadkii malxiisyada ugu qornaa.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ku guulaystay Kursiga Hop#199

Agaasima Wasaaradda Duulista Hawada Puntland Cismaan Cali Yuusuf ayaa ku guulaystay Kursiga Hop#198

Kursiga Hop#073 waxa ku soo baxay Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse.

Xildhibaan Sacdiya Salaad Xaaji Samatar ayaa mar kale ku soo baxday kursiga Hop#129 oo ay ku fadhiday shanti sano ee la soo dhaafay.

Kursiga Hop#191 ayuu isna ku guulaystay Eng Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato).

Kursiga Hop#221 waxa ku guulaystay Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir) oo kamid ah Saraakiisha Hay’adda PMPF.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dhammaystirtay Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this