Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Hub sida oo laga leeyahay Shiinaha oo taagan Dekadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab hub sida oo ka yimid dalka Shiinaha ayaa waxa uu taaganyahay Dekadda weyn ee Mudqdisho xilli wafdi ka socda dalka Shiinaha ay la kulmeen Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan Dokomentiyo la helay, waxyaabaha saaran markabkaan ayaa waxaa kamid ah shixnado hub oo ka kooban koocyada kala duwan, Gaadiid, Booyado iyo waxyaabo kale.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin hubka ay Dowladda Shiinaha kasoo dajineyso Muqdisho, wuxuu kusoo aadayaa xilli uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah.

Khubaro amni oo arrintan wax laga waydiiyey ayaa qaba in ay muhiim tahay in la ogaado cidda loo wado iyo xakameyntiisa, iyaga oo shaki geliyey isticmaalkiisa.

Ilaha qaar ayaa sheegaya in dhowaan Dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay soo celiso ciidamada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Eretria, kuwaas oo shaki badan laga qabo in loo adeegsan doono doorashada 2022-ka.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday waqtigii looga talagalay, waxaana hadda muuqata inay gaari karto illaa Bisha Todobaad ee sanadkaan.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan isku dayey inuu sameysto muddo kordhin Hal Sano ah, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid mucaaradka oo adeegsaday awood ciidan.

The post Markab Hub sida oo laga leeyahay Shiinaha oo taagan Dekadda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this