Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Imaaraadka Carabta oo u weecatay dhanka Ruushka+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Imaaraadka Carabta oo u weecatay dhanka Ruushka+sababta

Sheekh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan iyo Sergei Lavrov
Sheekh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan iyo Sergei Lavrov

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay danayneyso iskaashi ay Ruushka kala yeelato xasilloonida tamarta caalamka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas Sheekh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan oo booqasho ku tagay Moscow.

Tan iyo markii uu billowday duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, waxaa sare u kacay qiimaha shidaalka iyo gaaska ee suuqyada caalamka, maadaama dalalka Galbeedka ay cunaqabateyn noocyo badan saareen xukuumadda Moscow.

Waddamada Yurub oo si weyn ugu tiirsan gaaska Ruushka ayaa billaabay inay ka codsadaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka iyo Sacuudiga inay kordhiyaan wax soo saarkooda shidaal iyo gaas, si ay u buuxiyaan kaalinta uu banneeyay Ruushka.

Labadaas waddan ee Carabta ah ayaa ilaa hadda ka caga jiidaya baaqyada uga imanaya Maraykanka iyo Yurub ee ku aaddan kordhinta shidaalka iyo gaaska ay soo saaraan. Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa sheegay inay u hogaansamayaan heshiis ay horay u galeen dalalka OPEC iyo xulafadooda oo uu Ruushka kamid yahay, kaasoo lagu xakameynayo wax soo saarka.

“Waa muhiim in la ilaaliyo sicirka tamarta iyo cunnooyinka suuqyada caalamka. Waxaan soo dhaweyneynaa in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda Ukraine. Imaaraadku waxa uu diyaar u yahay inuu xoojiyo dedaallada nabada lagu raadinayo,” ayuu yiri wasiir Sheekh Cabdullah oo uu garab taagnaa dhiggiisa Ruushka, Sergei Lavrov.

Imaaraadka ayaa u muuqda mid aan hadda rabin inuu iska fogeeyo Ruushka oo culays adag kala kulmaya dalalka Galbeedka. Abu Dhabi ayaa ka maqnayd qaraar dhawaan Golaha Ammaanka uu u coddeeyay oo ka dhan ahaa duullaanka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale dowr muhiim ah ku leh heshiiska nukliyeerka Iran, kaasoo u muuqda mid markale ay dhinacyada isla meel dhigi karaan.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa doonaya in heshiiska cusub lagu daro gantaallada ballistic-ga ee ay Iran leedahay, kuwaas oo ay u arkaan inay khatar ku yihiin gobolka.

Gaaska Ruushka

Tamarta uu Ruushka dhoofiyo

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan soo saara. Waa ka horreeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Kala bar shanta milyan ee barmiil ee uu maalintii soo saaro Ruushka ayaa waxaa loo dhoofiyaa Yurub. UK ayaa 8% shidaalkeeda ka soo iibsata Ruushka. Maraykanka ayaa isna 3% shidaalka ka iibsada Ruushka.

Haddii uu Ruushka gaaska ka jaro Galbeedka Yurub, waxaa aad sare ugu kici doona qiimihiisa. Gaaska Ruushka ayaa u dhigma 40% gaaska dabiiciga ah ee laga isticmaalo Yurub.

Haddii uu Ruushka joojiyo gaaskiisa, saameynta ugu badan waxa ay ku yeelan doontaa dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga.

Yurub ayaa u weecan karta dalalka gaaska soo saara sida Qatar, Aljeeriya ama Nigeria, balse waxa ay caqabad ka taagan tahay sida durba loo ballaarin karo soo saaridda gaas dheeraad ah.

UK ayaa 5% ku tiirsan gaaska Ruushka, halka Maraykanku uusan wax gaaska ah ka iibsan Moscow.

Hase yeeshee gaas yarida caalamka ayaa sare u qaaday sicirka waddamada Maraykanka iyo UK.

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay qorshe uu qaaraddiisa uga dhigayo mid ka madax bannaan tamarta Ruushka ka hor sanadka 2030. Waxa qorshaha ka mid ah in aan lagu tiirsanaan gaaska iyo shidaalka oo keliya, balse la raadiyo hab kale oo lagu heli karo tamarta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this