Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Garoowe – Yaa soo baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka socota doorashada lixdii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla degaannada Maamulka Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Kurisigii ugu horreeyay ee maanta Garoowe lagu doortay ayaa ah HOP#073 oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac oo shalay qaatay Shahaada Musharaxnimada kursigaan.

Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse ayaa codeyn gacan-taag ah ku guuleystay #HOP073 kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Cabdi Jaamac, waxa uu helay 101 cod oo ah dhammaan Ergadii codeysay. Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ku fadhiyay kursigaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa ku guuleystay #HOP199 Codeyn gacan-taag u dhacday kaddib markii ay tanaasushay Luul Abshir. kursigaan waxaa ku fadhisay Xaawa Yuusuf Axmed.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhawaan sheegay in uu yahay musharax u taagan u tartamidda kursiga HOP#199 balse kama mid noqon musharixiinta isu diiwangelisay kursigaan.

Cismaan Cali Yuusuf Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada DG Puntland ayaa ku guuleystay HOP#198 oo helay 97 cod, waxaa la tartamay Cabdiraxman Ciise Maxamed. waxaa ku fadhiyay Saleebaan Maxamuud Xaashi.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dib ugu guuleysatay Kursiga tirsigiisu yahay HOP#129 oo ay ku fadhisay Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya kaddib markii ay heshay 99 cod, waxaa la tartantay Sacdiya Cabdullaahi Salaad.

Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay HOP#191 Codeyn gacan-taag ah, kaddib markii uu tanaasulay Maxamed Cabdixamiid Warsame. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Daahir Maxamuud Muuse.

Waxaa weli socoto doorashada kuraasta kale ee dhiman, waxaana idinkugu soo gudbineynaa warkeena dambe.

The post Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Garoowe – Yaa soo baxay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this