Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay in Ciidamo gadoodsan xirteen Laamiga xiriiriya Garoowe iyo Buurtinle

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16475435900264112.jpg?resize=720%

Taliska Booliiska Gobolka Nugaal ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in Ciidamo gadoodsan xirteen Laamiga xiriiriya Garoowe iyo Buurtinle.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa xaqiijjyay in aysan jirin cid xirtay Laamiga u dhexeeya Caasimadda Garoowe iyo degmada Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

“Waxba kama jiraan wararkaas been abuurka ah Laamigu ma xirna wax dhibaato ahna kama jirto” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmay xilli saacadihii u danbeeyay baraha bulshada lagu qoray in ciidamo hubaysan xirteen Laamigaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beenisay in Ciidamo gadoodsan xirteen Laamiga xiriiriya Garoowe iyo Buurtinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this