Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadiniin Turki ah oo Muqdisho Qarax Lagula Eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay galinkii dambe ee maanta Qarax xoogan, kaas oo si gaar ah uga dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana kasoo baxay warar kala duwan sida uu u dhacay.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxaa la sheegayaa in lala eegtay gaari Noha ah, kaas oo ay wateen muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga, xili ay marayeen meel u dhow isgoyska Taleex.

Waxaa durba goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federalka, kuwaas oo xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa ee soo gaaray Muwadiniinta lala eegtay.

Goobjoog News kala soco wixii kasoo kordha

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this