Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Wakiilka China Ee Geeska Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay  Ergayga gaarka ah ee Dowladda China u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing, kaas oo soo gaaray caasimadda.

Kulanka ayaa intii uu socaday waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ay ugu waynaayeen xiriirka China iyo kala dhexeeya Soomaaliya, Raooble ayaana ka codsaday dowladda China in ay kaalin kaweyn ka geysato  gurmadka  Abaaraha.

Dalka ayaa waxaa ka jirtay abaar baahsan oo meelaha qaar gaartay heer macluul ah, kadib markii dadka iyo duunyaduba ay waayeen cunto iyo biyo intaba, waxaana Ra, isalwasaaraha dalka uu ugu baaqay beesha caalamka sidii gurmad loo sameeyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this