Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/Wasaare Rooble oo dalab culus u gudbiyey…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay wafdi culus oo ka socda dowladda Shiinaha, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey Ergayga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Xue Bing, kaas oo wada-hadal la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka dalbaday Shiinaha inuu kaalin ka geysto abaaraha saameeyey dalka, gurmad deg deg ahna uu gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha.

Sidoo kale Xue Bing iyo wafdigiisa ayaa ballan-qaaday inay door weyn ka qaadan doonaan arrimaha bani’aadanimada dalka, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan dalabka dowladda.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka haatan xiriirka dhow la leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa dalka mashaariicyo dhowr ah.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka jiraan xaaladdo is biiray, sida muranada hareeyey doorashada iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

FB_IMG_1647514943751-1200x630-1.jpg?resi 275672931_314248967470923_16984736321572 275786257_314248907470929_19951874738832 275996501_314248937470926_74432172870866 276119897_314248894137597_33262316573252

The post Sawirro: R/Wasaare Rooble oo dalab culus u gudbiyey… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this