Deeq A. Posted March 17, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino nooca wadada dhinaceed la dhigo ee qabsata gaadiidka, taasi oo lala bartilmaameedsaday gaari nooca loo yaqaano Noah-da. Gaariga lala beegsaday qaraxa miino ayaa lagu soo waramaya inay saarnayeen Niman shaqaale ah oo u dhashay dalka Turkiga. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa qaraxaan ku dhaawacmay Afar qof oo Turkish ah, illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxa lala beegsaday nimanka Turkida ah. Qaraxaan ayaa durtaba waxaa sheegatay mas’uuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo ayadu inta badan caasimada dalka ee Muqdisho ka fulisa qaraxyada noocaan ah iyo weerarada ka dhanka ah ajaanibta iyo masuuliyiinta. Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaaday falalka argagixiso, xili ay dalka ka socoto doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo ah, islamarkaana uu hoos u dhacay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda ee hay’addaha amniga. The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Afar qof oo Turkish ah oo… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites