Sign in to follow this  
Deeq A.

Minneapolis:Bas uu waday Darawal Soomaali ah oo Goob Ganacsi dhex galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Minneapolis:Bas uu waday Darawal Soomaali ah oo Goob Ganacsi dhex galay

 

Waxaa ganacsiga Acadia Café ee ku yaala xaafada Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis ku dhacay baabuur Bas ah oo uu waday dalawar Soomaali ah.

Darawalkaa baska waday ayaa sheegay in uu bareega u go’ay. Baska ayaa ah nooca rakaabka, waxaana lagu qaadaa ardayda dhigta Jaamcada Minnesota (University of Minnesota). Nasiib wanaag ma jiraan dad dhaawac halis ah ama dhimasho soo gaareen. Dhismaha ganacsiga ayaa gebi ahaanba waxaa galay oo burbur xoog leh u gaystay baska ku dhacay.

Shilkan ayaa dhacay duhurkii maanta

FB_IMG_1647446150158.jpg?resize=708%2C33

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this