Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso magacyada xubnaha loo xiray 6-da kursi ee ku harsan Puntland oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed (SEIT) ee Puntland ayaa maanta shaaciyay musharaxiinta lix kursi oo kamid ah kuwa deegaan doorashadoodu tahay maamulkaasi, laguna qabanayao magaalada Garoowe.

Guddiga ayaa sheegay in 12 musharax ay soo buuxiyeen shuruudaha iyo hab-raacyada looga baahna, kuwaasi oo u tartamaya lixda kursi oo doorashadoodu dhici doonyo maalinta barri ah ee Jimcaha.

Kuraasta uu guddiga shaaciyay musharaxiintooda ayaa kala; HOP#221, HOP#129, HOP#191, HOP#198, HOP#073 iyo HOP#199. Kuraastan ayaa waxaa ka mid ah labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud/Majeerteen oo diidmo xoog leh ka taagan tahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maamulka Puntland ayaa shaqsiyaad gaar ah u xiray lixdan kursi, ayada oo lixda kale ee musharax ee kusoo baxay liiska Guddiga SEIT ee Puntland ay yihiin malxiisyadooda.

1. HOP#221: waxaa kursigan si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir) oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF.
2. HOP#129: waxaa markale loo xiray kursigaan Xildhibaan Sacdiya Salaad oo horay ugu fadhiday.
3. HOP#191: Sidoo kale waxaa kursigaan si gaar ah loogu xiray Eng. Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato)
4. HOP#198: Cismaan Cali Yuusuf Cali ayaa loo xiray kursigaan, waana Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland
5. HOP#073: Kursigaan waxaa loo xiray Maxamed Cabdullaahi Keyse.
6. HOP#199: Waxaa si gaar ah loogu xiray Cabdiladiif Muuse Nuur oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Hoos ka aqriso waraaqda liiska musharaxiinta
FOC9jCuXsAIY1hO.jpeg?resize=696%2C889&ss

The post Aqriso magacyada xubnaha loo xiray 6-da kursi ee ku harsan Puntland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this