Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ay caruur ku jiraan oo lagu duqeeyay Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan mayd oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa laga soo saaray burburka dhisme ku yaal magaalada Chernihiv ee dalka Ukraine, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ka dib markii halkaas Ciidamada Ruushku ka geysteen duqayn culus.

Hay’adda Gurmadka deg-degga ah ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay in kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ay heleen meydadka, xilli ay ku hawlanaayeen sidii ay burburka uga soo saari lahaayeen dadka ku waxyeeloobay duqaynta.

Dhanka kale, madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, Andriy Yermak, ayaa sheegay in la sii daayay duqa magaalada Melitopol Ivan Fedorov, oo ay af-duubteen ciidamada Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Dad ay caruur ku jiraan oo lagu duqeeyay Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this