Cawaale Posted January 24, 2005 Asalamu caleykum Gabaygan ama maansadan ama sheekadan sidaad rabta dhehoo, waxa magaceeda la yiraahdaa (LAYSU KEEN KEEN). Waxaa isku keen keenay gabayga, gabayaana ma ahi waa iska sheeko aniga oo, ah (Maxamed C/laahi Cali Tiriig). Waxaan soo saaray sanad ka hor habeen aniga oo ku samalaya baan maalintii markaan seexday maskaxdayda ku soo dhacday, oo meeshan aan ku waashay maan wax ka qoro. kabacdina waxay noqotay maansadan qosolka leh. Run ahaantii cidna in aan aflagaado umaan sameen, waana ka ilaaliyey inaan dadka magacyadooda ku soo daro, waxaan isku dayay in aan ku koobnaado waxa ka socda paltalka dhexdiisa, ama inta laysyiraahdo marka lagu kaftamayo pal. Waakan gabeygii oo bilaawday. Balan beena barasho aan jirin palow adigaa leh Boqol luuq oo wada qafila palow adiga leh Biwaaye wuu ibalamiyey hadana wuu baxay palow adigaa leh Boqol kkkk iyo lool iyo waaw iyo weliba xuux oo dabataal palow adigaa leh Baabka hadalka oo meel xunlaga bilaabo oo aan Bisin looqaban palow adiga leh Boqol ciyaal ah oo afka baranbaro loogu burburshay oon bisika Karin palow... Biximaayo miigana waa boobayaa palow adiga leh Bils iyo barber wada qalfsan oon hadan is qaban palow adigaa leh Bilyan qol oo midiba cayan yahaya palow adigaa leh Tumasho iyo raaxo aadan ku raagin palow adiga aleh Tuurmo(Bounce) iyo red wada socdaan talao lagaa waydiin palow adiga leh Tuugmo iyo waan tamar darnahay oo hablaha taad la hadashaaba kugu bariidinayso palow adiga leh Jiidmo iyo dhifasho oon kala hadhay palow adigaa leh Jiri iyo janaaleba meelay ku jamacaan palow adigaa leh Jacayl taagan nacayab dabayaal palow adigaa leh Dad aan is aqoon oo wada dooda sidii deriskii palow adiga leh Danbi badan dacwo aan fulayn palow adigaa leh Daacad oo dulmi lagu badalo palow adiga leh Ruug cadaa soo rogaal ceshay meelu risiiq usoo raadsado palow adiga leh Roobadiisan iyo ruuga xanuun meela ku dareento palow adiga leh Raga iyo dumar wada qooqa oon hadan wada raaxaysan palow adiga leh Salaada iyo sadaqada meel lagu seego palow adiga aleh Samawadihii quraanka oo sahal laga yeelay palow adigaa leh Samaan iyo xumaan wada socdaan sikin kal danbay palow adiga leh Sagaashan jir iyo sagaal jir salgaal iyo tobankuloolama palow adiaa leh Sirqawayan oo kursiga ku seexata palow adigaa leh Seexan mayo suuq aadi mayo waa sootaagnaanayaa palow adigaa leh Shaacir iyo shaqaaqoole meelay ku sheekaysaatan palow adigaa leh Shar iyo khayr deers ah oo daabkoodu isgaaro palow adiga leh Sheeydaanku meelu ka shaqaysto palow adiga leh Gacan taagan mica an ladaynaya palow adigaa leh Gacamo daala indhahoogota dhuuntoo qalasha palow adigaa leh Gabadh iyo garooob isku dul caajisay palow adigaa leh *** gun gob gabadh garoob geed ay ku wada sheekaystaan palow adigaa leh Geesi iyo fulay meelay ku sin maan palow adigaa leh Garoob gurigeedii soo gubtay meelay damac ka hesho palow adigaa leh Fanan qaylinayo oo qol walbaba jooga palow adigaa leh Farsamadii daday ka falaagowday oo hadan fariido isku haysta palow adiga leh Faqiir aan xoola badan haysan oo hadan faan badan palow adigaa leh Qayli oo qabyaaldan aan qumanayn hadaba qal ka sheeg palow adiga leh Qaadka kii cunay iyo kii qumanaaba meelay qamuumayaan oo qalada kugu cayaayn palow adiga leh Qosl badahn oo hadan qamuunyo daba taal palow adiga leh Kaan dhacay kaan uleh kaanaa ka degay palow adigaa leh Kaftan iyo camira wada socda palow adiga aleh Ku aadan arkayan oo kaa daba qata oo kuna daaliya palow adiga leh Malayuun magaca oo aad ku ceeqanaysid palow adigaa leh Mac mac xabiibi iyo akh oowada socda palow adigaa leh Meel aan dhiig lagu daadin hadan laysugu dhaarto Palow adigaa leh Nin cimaada dheer oo kuu taliya palow adigaa leh Naag kula talisa oo daadan diida palow adiga leh Nuursi iyo naasha oo raga la tuso palow adiga leh Waayeel lacaanto oo waleba cayloo gudaro palow adigaa leh Waayeel iyo saqiir wada caytam palow adigaa leh Wacdi aan lagu qushuucin isla qotomi palow adiga leh Wadaad iyo walahaan aadan kala garan palow adiga leh Hadal badan baahi badan baryo badan palow adiga aleh Habro ciilan oo kii qabay qaad ka doortay oo adiga kugu qaysha palow adiga leh Aroos taagan caruus aan lagu caana maalin palow adiga leh Araweelo gabadho aad ku mataasho meelay kugu xukumaan palow adiga leh Abwaan yo man rap kule palow adigaleh Oday dala dumarkoo dumarkoo ka carar palow adigaa leh Oohin , calaacal iyo weliba cabasha wada socdaan oon cidin eegin palow adigaa leh Oo daashay oo hadashaye horta yaa ku maqlaayey dadkoo ku yiraahdo palow adiga leh Waxaa qoray gabaygaan..... Maxamed C/laahi Cali Tiriig Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 24, 2005 lool, Funny Jacburis. Thanks pal-ow Quote Share this post Link to post Share on other sites