Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Kordhiyay Tirada Madaxda Soomaaliya Ee Uu Kusoo Rogay Cunaqabateynta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen xayiraadaha dal-ku-galka (Visa)  ee ku soo rogeen mas’uuliyiinta Soomaaliya kadib markii ay soo dhammaatay waqtigii lagu balamay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada oo aheyd 15-ka bishan.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii February, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.” ayuu yidhi.

Antony Blinken ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay iney war war ku heyso dib u dhacyada aan kala joogsiga laheyn ee ku imanaya doorashada Soomaaliya, iyadoo madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa dhammaaday 8-dii bishii February sannadkii hore ee 2021.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaadhineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yidhi xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

Mareykanka ayaa wali laga heyn magacyada mas’uuliyiinta Soomaaliya ee xanibaadan dhinaca safarka ah uu saarayo balse shaqsiyaadkaas waxa ay soo bixi doonaan  kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah oo loo diidi doono, sida ay tilmaamayaan macluumaadka la helayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this