Sign in to follow this  
Deeq A.

Farriintii Guddoomiyaha WADDANI U Diray Taageerayaasha Xisbigaasi Oo Sababtay Adkaynta Iyo Xoojinta Midnimada Dadka Reer Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Farriintii guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan u diray taageerayaasha xisbiga WADDANI oo sababtay adkaynta iyo xoojinta midnimada dadka reer Somaliland iyada oo sababtay in mucaarid iyo muxaafidba meel looga soo wada jeesto difaaca qaranimada Somaliland.

Siyaasi Cismaan Awr Liqe oo ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE ayaa yidhi sida tan: “Shacba reer Somaliland waxaan leeyahay walaaltinimadiina, nabad-galyadiina iyo jiritaankiina gacmaha isku qabsada oo midooba, kursigana maaliba ninka Alle u qoro ayaa fadhiisan doona intuu Illaahay la damcana uu fadhiyi doonaa waana inoo wada madaxweyne uun, waxaan halkan ka hambalyaynayaa xisbiga WADDANI oo ku baaqay in aan waftiga Madaxweynaha lagu mudaharaadin, laa shukra calal waajib, wixii idinla gudboonaa ayuunbaad garateen, way innaga dhaxaysaa qaranimadu, meelnba ninbaa jooga, waxaan idinka dardaarayaa tallaabo kasta oo qaranimada aynu leenahay waxyeelaysa ciddii ku kacdaa innaga maaha, qaranimada ilaaliya wixii innaga dhexdeena yaalla gariga hoostiisa ayaynu ku dhammaysan sidii aynu awalba ugu dhammaysan jirnay, waar midnimadiina iyo wada-jirkiina iyo difaaca qaranimadiina reer Somalilandow meel uga soo wada-jeesta”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this