Deeq A. Posted March 17, 2022 Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa Xadhiga Wariye Cimran Xuseen Aadan oo ka hawl gala HCTV kaasi oo lagu xidhay magaalda Borama 14 March, 2022. Saxafigan oo aan xadhigiisa loo marin nidaamka sharciga ah ee dalka u yaala ayaa maalintii 4aad ku xidhan saldhiga dhexe ee Borama. Hadaba Ururka SOLJA waxa uu ka soo horjeeda nidaam kasta oo sharci daro ah oo loo maro qabashada iyo xadhiga Suxufiyiinta Somaliland, waxaananu masuuliyiinta Gobolka Awdal ugu baaqaynaa in xoriyadiisa u soo celiyaan Saxafigaasi. madaama oo aan marka horeba qabashadiisa loo marin nidaam sharci ah. Source Share this post Link to post Share on other sites