Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada PUNTLAND oo howlgal culus iyo duqeymo ka fuliyey buuraha Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ballaaran oo ciidamada difaaca Puntland ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday deegaanada Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee Silsiladda Golis ,gaar ahaan Galgala sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamada ayaa goobahaasi ku qaaday duqeymo iyo weeraro toos ah oo ay ku beegsadeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Saraakiisha ciidamada ee horkacayey howlgalkaas ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, aynka kala wareegeen saldhiyo ku yaal halkaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla-markaana ujeedka uu yahay sidii looga saari lagaa deegaanka.

Ma jiro dhanka kale illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Puntland.

Xaaladda deegaanada lagu dagaalamay ayaad haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada ka socda buuraleyda gobolka Bari.

The post Ciidamada PUNTLAND oo howlgal culus iyo duqeymo ka fuliyey buuraha Galgala appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this