Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada dooran ma ku filan yihiin doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayey dhammeystirka doorashooyinka ka socda ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar yihiin xildhibaano ku filan doorashada, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la gudagalo inta harsan.

Qoor Qoor ayaa ka digay dib u dhac markale ku yimaada doorashooyinka oo haatan qaatay hal sano iyo dheeraad, kadib is jii- jiid u dhexeeyey hoggaamiyeyaasha siyaasadda.

“Xildhibaanno ku filan doorasho waa diyaar, waxa aan dooneynaa in horay loosii galo oo aan Dalka lagu heyn jiitan dambe,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug ay ujeedka ay usoo dhammeysirtay doorashada uu ahaa in aanu markale lumin waqtiga loo qorsheeyey doorashooyinka.

“Annaga haddaa nahay reer Galmudug waxaan doorashada u billownay waqtigii loogu talagalayna aan u dhammeynay waxay aheyd waqtiga ka lumay dalka in uusan dib uga siii lumin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammeytirka doorashada ay ku xiran yihiin arrimo badan, sida dagaalka Al-Shabaab iyo gurmadka Abaaraha.

“Waxaa ku xiran la dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab, Abaaraha iyo in Dalka horay ugu socda” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo weli caqabad xoogan ay ka taagan tahay doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

The post Xildhibaanada dooran ma ku filan yihiin doorashada? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this