Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo Isimada Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida la xaqiijiyay waxa qabsoomi waayay kulan lagu waday in uu xalay dhexmaro Madaxweyne Siciid Deni iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Madaxweynaha ayaa doonayay in uu mar kale Islaan Bashiir kala hadlo xallinta khilaafka ka taagan kuraasta Hop#198 iyo Hop#199.

Siciid Deni iyo Isimada uu hoggaaminayo Islaan Bashiir ayaa weli isku fahmi la’ hannaanka loo marayo doorashada labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud ku leedahay Golaha Shacabka.

Bayaan ka soo baxay Isimada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu boob ku sameeyay kuraasta Hop#198 iyo Hop#199.

Sidoo kale Isimada ayaa lagu wadaa in ay maanta shir jaraa’id ku qabtaan Garoowe islamarkaana go’aan kama danbays ah ka soo saaraan Arrinta taagan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo Isimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this