Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Muuse Biixi Oo Lagu Qaabiley Xarunta Baarlamaanka Maraykanka 

Recommended Posts

Deeq A.   
M/weyne Muuse Biixi Oo Lagu Qaabiley Xarunta Baarlamaanka Maraykanka
 275979972_518905339595708_19873697338375
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo ku guda jira safarkoodi Maraykanka maalintii Afraad ayaa la kulmay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Maraykanka Senator Chris Van Hollen ahna Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka Odayaasha u qaabilsan Afrika iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Aqalka hoose ee Maraykanka, Adam Smith, ahna gudoomiyaha Guddida Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka.
Kulankan oo ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee Capital Hill, waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa qado Sharaf ugu sameeyey Senator Chris Van Hollen oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga dhinaca horumarinta iyo ilaalinta duur-joogta iyo deegaanka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa isla Capital Hill kula kulmay xidhibaan Adam Smith, waxaanu xildhibaanka ku qaabiley weftiga madaxweynaha xafiiskiisa, iyadoo kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka laba dal iyo amniga mandaqada geeska Afrika iyo gaar ahaan iskaashiga amniga Somaliland iyo Maraykanka.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu u mahadnaqay baarlamaanka Maraykanka dedaalka ay la barbar taagan yihiin Qaranka Somaliland iyo Taageerada ay marwalba u muujiyaan sidii ay Somaliland u noqon lahayd dal adduunyada ka mid noqda oo ka hela wixii ay xaq ugu leedahay.
Ugu danbayn waxa ay laba xildhibaan isku mawqif ka noqdeen in safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ku yimaadeen dalka Maraykanka uu ku soo beegmay wakhtigii loo baahnaa, kaas oo ah mid wax weyn ka taraya qadiyada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
275979576_518905279595714_79660691877454
276023157_518905132929062_62512194508545
275950969_518905166262392_26746602840033
276118388_518905136262395_96674199447985
275964261_518905392929036_26225232398228

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this