Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Soo Dhoweeyey Go,aankii Guddiga Doorashooyinka Dadban

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa taageero u muujisay jadwalkii kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, waxaana qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda lagu ayiday jadwalka habeenimadii xalay guddigu uu soo saaray, safaaradda ayaa soo dhowaysay in 14-ka bisha Apriil la dhaariyo xildhibaannada cusub ee BJFS.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu xusay in saaraddu qorshayanaysio la kulanka xildhibaannada cusub ee la  dooratay, kadib marka la dhaariyo bisha soo aadan sida lagu ballamay”  Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ka ddib markii la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon”.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo shalay deegaannadooda lagu soo gabagabeeyey doorashada xildhibaannada golaha shacabka ayaa si cad u diiday jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee dhamaeystirka doorashooyinka, waxaana Laftagareen iyo Qoorqoor ay ku tilmaameen mid sharci darro ah jadwalka guddiga.

FB_IMG_1647436605021.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this