Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga Shirkadda Gaar Leeyahay Ku Wareejiyey Hubinta Tayada Badeecadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiir safar ku jooga Maraykanka oo shaqii hubinta tayada badeecadaha u xil saaray shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Contecna.

Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa wareegto laga soo saaray shalay xafiiskiisa isagoo dalka dibadiisa ku maqan u xilsaaray shaqadii hubinta tayada badeecadaha iyo bixinta shahaadada badqabka Badeecadaha dalka soo galaaya shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo contecna.

Shaqada hubinta iyo ilaalinta tayada badeecadaha ayay uga xilsaaran tahay Qaranka Hay’adda Dhawrista tayada Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan daahfuraysay shaybaadhada qaranka ee Cuntada iyo Daawooyinka oo ay hirgalisay Hay’adda dhawrista Tayada Somaliland balse tan ayaa ka dhigan talaabo ka soo horjeeda shaybaadhka qaranku leeyahay in loogu adeego bulshada oo la faray ganacsatada inay u adeegayso tayadana ka hubinayso shirkadan hoos ku xusan.

275773018_3186073711718952_9099557216983

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this