Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor oo La Kulmay Guddigii Doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa maanta waxaa uu  kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, iyo xubno ka tirsan guiddiga heer Federaal.
Madaxwaynaha ayaa guddiga uga mahadceliyay guddiga shaqada adkeyd oo ay qabteen,  waqtigii ay socotay doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, taas maalintii shalay lagu gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo ee  gobolka Mudug.
Kulanka madaxweyne Qoorqoor uu la qaatay guddiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xili lasoo gabagabeeyey doorashada 45, waxaana Galmudud ay noqotay maamulkii labaad ee kusoo gabagabeeya doorashada xildhi waqtigii lagu ballamay ee 15-ka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this