Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo taageeray go’aanka guddiga FEIT, digniina u diray maamullada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u taageeray jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal, waxayna maamulada uga digeen fara-gelinta ay ku hayaan arrimaha doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca iyo daahitaanka sanad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaada sharciyada iyo weliba jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhaweynayaa jadwalka dhameystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT),” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa ka digay fara-gelinta maamulada ee dhameystirka doorashooyinka dalka, ayaga oo cadeeyay in kaalinta dowlad goboleedyada ay ku eg-tahay fududeynta doorashootinka ee deeganadooda.

“Golaha wuxuu adkeynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo beesha caalamka inay gacan ku siiyaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladeynta dhameystirka hawlaha doorashada.

Sida ku cad jadwalka Guddiga FEIT 16-ka bishaan illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Jadwalkaan cusub ee uu soo saaray Guddiga FEIT ayaa waxaa ka horyimid dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku tilmaamay sharci daro, islamarkaana uu guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u laheyn arrintaan.

The post DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo taageeray go’aanka guddiga FEIT, digniina u diray maamullada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this