Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaheeysiga NATO oo sheegay in Ciidamadooda ay ku jiraan diyaar garow Dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa Maanta oo Arbaca ah sheegay in ciidamada isbaheysiga NATO ay ku jiraan diyaar garow  dagaal oo buuxa.

Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga, Ciidamada uu Maraykanku u dirayo Yurub waa fariin adag, dalalka Bariga Yurub waa qayb muhiim ah oo kamid ah isbahaysiga” ayuu yiri: Jens Stoltenberg oo ah Xoghayaha Guud ee NATO.

Xoghayaha ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karto Duulaanka ciidamada Ruushka ay ka wadaan gudaha  Ukraine, isagoona carabka ku adkeeyay in waddamada NATO ay sii wadi doonaan taageerida Ukraine.

Wasiirrada gaashaandhigga ee NATO, oo uu hoggaaminayo xoghayaha difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa ka wada hadlay meel marinta balan qaadyada Ururka ee ku aaddan tageerada Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Isbaheeysiga NATO oo sheegay in Ciidamadooda ay ku jiraan diyaar garow Dagaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this