Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Ra’iisal Wasaare oo Yurubiyana oo khatar weyn u badheedhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex Ra’iisal Wasaare oo Yurubiyana oo khatar weyn u badheedhay

,

Ukraine ayaa ammaantay geesinimada saddex hoggaamiye oo Yurub ah oo safar dheer oo halis ah ku galay tareen tareen oo ka yimid Poland ilaa Kyiv, iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan Ukraine, iyadoo magaalada ay ku socdaan duqaymaha Ruushku.

Raiisel wasaaraha Poland, Slovenia iyo Czech Republic ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky fiidnimadii Talaadada iyadoo bandow uu ka bilaabmay Kyiv.

Ka dib, hogaamiyaha Czech ayaa u sheegay dadka reer Ukraine in aysan “kaligood ahayn”.

 

Kooxdan ayaa ah madaxdii ugu horeysay ee reer galbeed ah oo booqda Ukraine tan iyo markii uu Ruushku duullaanka soo qaaday.

Petr Fiala ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray “Waan ku faraxsanahay sida geesinimada leh ee aad u dagaallamaysaan”. “Waan ognahay inaad sidoo kale naftayada u dagaalamaysaan, ma tihidiin kaligiin, dalalkeena ayaa idin garab taagan.”

Mateusz Morawiecki oo u dhashay Poland ayaa sheegay in Yurub aysan sidaan sii ahaan doonin haddii ay lumiso Ukraine.

,

“Booqashadiinu waxay muujinaysaa taageerada weyn ee aad u haysaan Ukraine,” madaxweynaha Ukraine ayaa sidaas u sheegay madaxda dalkiisa ku soo booqatay.

Ra’iisul wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in laga wada hadlay cunaqabateynta “waxyeelada leh” ee ka dhanka ah Ruushka, oo ay ku jirto “in Ruushka loo aqoonsado inuu yahay taageeraha argagixisada”.

Qaraxyo laga maqlay magaalada intii uu kulanku socday

Intii uu wada hadalka u socdeen, waxaa guud ahaan Kyiv laga maqlayay qaraxyo waaweyn oo ka dhacayay cirifka galbeed ee caasimadda.

Midowga Yurub ayaa sheegay in siyaasiyiintan aysan wadan wax shaqo ah oo gaar ah, balse madaxda ku sugan Brussels ay ka war hayeen safarkaas, sida lagu sheegay shirkii aan rasmiga ahayn ee Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Versailles ee dalka Faransiiska todobaadkii hore.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Poland Marcin Przydacz ayaa qirtay in safarka uu ahaa mid halis ah, balse waxa uu sheegay in “Safarkaasi uu bogaadin mudan yahay”. Wuxuuna sheegay in Ruushka ay ku wargeliyeen in booqashadu ay dhacayso.

,

Hogaamiyayaasha ayaa go’aansaday in ay ku safraan tareen sababtoo ah duulista diyaarad militari oo Polish ah ayaa Ruushku u arki karay mid daandaansi ah oo halis ah, Tifaftiraha BBC-da ee Yurub Katya Adler ayaa ku warrantay. Ilaa hadda inaysan caddayn goorta uu tareenkoodu ku laaban doono magaalada Warsaw.

Madaxweynaha Ukraine ayaa marar badan ugu baaqay Nato in hawada dalkiisa lagu soo rogo aag ka caagan duullimaadyada, balse Nato ayaa diiday.

Mr Zelensky ayaa sheegay in dadka Ukraine ay hadda fahmeen in aysan ku biiri karin Nato. “Waxaan maqalnay muddo sanado ah in albaabadu furnaayeen, laakiin waxaan kaloo maqalnay inaan ku biiri karin, waa run oo waa in la aqoonsadaa, waxaan ku faraxsanahay in dadkeenu ay bilaabeen in ay fahmaan arrintan oo ay ku tiirsanaadaan naftooda iyo bahwadaagteena gacanta ina siisa”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this