Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Joe Biden iyo madax kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay Talaadadii in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.

Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton.

Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Ra’isul Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska shaqsiyaadka la cunaqabateeyey.

Cunaqabateynta Ruuushka ayaa u muuqata mid magacan u yaal ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sheegtay inay sii wadeyso xiriirka rasmiga ah, haddii loo baahdona ay xaqiijineyso in xiriir lala sameeyo dadka liiska ku jira.

Ruushka ayaa haatan wajahaya go’doomin ka dhalatay duulaanka uu ku qaaday waddanka Ukraine, kadib markii ay ciidamadiisa gudaha u galeen dalkaasi.

Dagaalka oo galay todobaadkii afaraad ayaa dhaliyey saameyn xoogan oo laga dareemay caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka adudunka oo sare u kacay, kadib dagaalkaasi.

The post Ruushka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Joe Biden iyo madax kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this