Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka Oo Shir La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington D.C)-Sawirka hoose waa Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka oo warbixintooda maalinlaha ah siinaya Madaxweyne Biden, waxa aan u soo qaadanay in dadku ay sawirtaan xidhiidhkooda Joe Biden

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland H.E Muse Bihi Abdi, ayaa waxa uu shir socday 2 saacadood, la yeeshay Golaha Amniga Qaranka oo loo yaqaano ( National Security Council ).

Si aan u ogaano, muhiimada shirka ( National Security Council ), ay la yeesheen Madaxweyne Bihi, ayaa haboon in aan ogaano hawsha ay u xilsaaranyihiin Golaha Amaanka Qaranka.

Golaha Amaanka Qaranka ( National Security Council ), waa madasha ugu weyn ee Madaxweynaha Maraykanka uu ka gaadho go’aan kasta, khaas ahaan go’aamada uu ka gaadho amniga Maraykanka iyo siyaasada arimaha dibada, ayaa waxa uu gaadhaa ka dib, marka Golaha Amaanka Maraykanka ay u keenaan warbixin, warbixinaha, ayaa inta badan waxa la socda, talooyin loo soo jeedinayo madaxweynaha markaas xukunka haya, waxa kale oo Golaha Amaanka Maraykanka uu isku xidhaa hay’adaha federaalka Maraykanka.

National Security Council ayaa la sameeyey 1947, si ay madaxweynaha ugala taliyaan arimaha gudaha, dibada iyo siyaasada.

National Security Council, ayaa waxa gudoomiye u ah Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.Waxa kale, oo xubno ka ah Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Kamala Harris, Xoghayaha Maaliyada Maraykanka Alexander Hamilton iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin.

In Madaxweyne Bihi, uu shir la yeeshay National Security Council, ayaa waxa ay ina tusaysaa muhiimada safarkiisa uu ku joogo Washington D.C.

Maalmaha soo socda, National Security Council, waxa ay sii dayn doonaan warbixintooda ku saabsan heshiiska ay la galeen Jamhuuriyada Somaliland  oo faahfaahsan.

Ahmed Adam

275759487_130034636252496_18155744145583 275782899_518198046333104_17619972758463 275839823_518203506332558_60267484673211 275971636_518198076333101_52115503064231 biixi-Washington-1024x666.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this