Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Cunaqabateyn Kusoo Rogay Joe Biden Iyo Raysal Wasaaraha Dalka Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Dowladda Ruushka ayaa sheegay in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.

Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton.

Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Raysal Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska shaqsiyaadka la cunaqabateeyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this