Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo cunaqabateyn ku soo Laba madaxweyne+Sababta 

Recommended Posts

Deeq A.   
Ruushka oo cunaqabateyn ku soo Laba madaxweyne+Sababta 
EE8CEEAF-6312-4171-8CE4-C12B8608DDB9_cx0

Dowladda Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.

Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton.

Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Ra’isul Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska shaqsiyaadka la cunaqabateeyey.

Cunaqabateynta Ruuushka ayaa u muuqata mid magacan u yaal ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sheegtay inay sii wadeyso xiriirka rasmiga ah, haddii loo baahdona ay xaqiijineyso in xiriir lala sameeyo dadka liiska ku jira.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this