Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulkii labaad oo ka horyimid tallaabadii guddiga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa looga hadlay tallaabadii uu qaaday guddiga doorashooyinka ee heer federaalka, kaas oo shaaciyey xilliga la dhaarinayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga uu qaaday tallaabo ka baxsan awooddiisa, isla-markaana kasoo horjeedo heshiisyadii horey looga gaaray doorashada dalka.

“Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka,” ayuu lagu yiri.

Galmudug ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin go’aankaasi iyo wax kasta oo aan kasoo bixin Golaha Wadatashiga Qaran.

“Hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Galmudug ayaa ka digtay in la carqaladeeyo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya oo marar badan u dib u dhacay.

“Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka” ayaa lagu yiri gabagabadii warsaxaafadeedka.

Waa maamulkii labaad ee ka ku gacan seera jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee ku ku aadanaa xareynta iyo dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, waxaana Galmudug ka horreeya Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo labada maamul ay ka mid yihiin maamullada sida weyn u taabacsan Villa Soomaaliya.

The post Maamulkii labaad oo ka horyimid tallaabadii guddiga doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this