Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada heer federaal oo shaaciyey maalinta la dhaarinayo xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan xildhibaanada labada Aqal.

5-ta Abriil ilaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada xildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.

11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.

Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Hoos ka eeg jadwalka

275849763_4930480210341253_5498038804393

The post Guddiga doorashada heer federaal oo shaaciyey maalinta la dhaarinayo xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this