Deeq A. Posted March 15, 2022 Sucuudiga oo dib u furay dhoofka xoolaha Soomaalida Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib u fasaxday xoolihii Soomaaliya laga dhoofin jiray ee loo iibgeynayey sacuudiga, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay xayirnaa. Arrintan ayaa timid kaddib markii ay maanta labada dal magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiiska dib u furidda dhoofka xoolaha dalka. Wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ay dedaal dheer ku bixiyeen wasaaradda, madaxda dalka iyo ganacsatada qaar. Soomaaliya si toos ah xoola uguma dhoofin Sacuudiga tan iyo sanadkii 2016-kii. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites