Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga oo dib u furay dhoofka xoolaha Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Sucuudiga oo dib u furay dhoofka xoolaha Soomaalida

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib u fasaxday xoolihii Soomaaliya laga dhoofin jiray ee loo iibgeynayey sacuudiga, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay xayirnaa.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay maanta labada dal magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiiska dib u furidda dhoofka xoolaha dalka.

Wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ay dedaal dheer ku bixiyeen wasaaradda, madaxda dalka iyo ganacsatada qaar. Soomaaliya si toos ah xoola uguma dhoofin Sacuudiga tan iyo sanadkii 2016-kii.

xoolo.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this