Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo Bilaabay Inuu Hub Iyo Dhaqaale Ku Taageero Jabhad La Dagaalanta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kooxda Nabadiidka ah ee Khaatumo ayaa dhoolatus ciidan ku soo bandhigay dulleedka Magaalada Buuhoodle,kuwaas oo rasaas la dhacay sawiradda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka arrimaha guddaha iyo weliba Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Maleeshiyaddan ayaa haddalo hanjabaad ah u soo diray Somaliland,waxaanay sheegeen inay diyaar u yihiin dagaal ay la gallaan Somaliland,waxaanay carabka ku dhufteen inay hadda cudud ciidan ay samaysteen oo u babac dhigi karta Somaliland, iyagoo sheegay inay taageersan yihiin waxay ku sheegeen midnimada Somaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kalena kooxdan oo ka hadlayey deegaanka dhuumo ee dulleedka Buuhoodle halkaas oo ay sheegeen inay tababar ugu soo xidheen ciidan uu muddo tababar uga socday,ayaa waxay si weyn ugu mahadnaqeen Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, waxaanay sheegeen in ciidankani uu u dagaalamayo illaalinta midnimada Somaaliya”Waxay diyaar u yihiin ciidankani halgan dheer ,masuuliyadda ina saarani waa in lagga shaqeeyo midnimada Somaaliya,qabiilo maamulo sheegtay inay dalkan iyo dadkan burburiyaan ma oggolin, Somaaliya waa mid, haddii aynu maanta ka saarno dhulkeena waxaynu ku khasbaynaa mid-nimada Somaaliya “ayey ku tirabeen.

Waxa ay intaas ku sii darreen “Magaalada Buuhoodle iyo deegaanadeeda maamulka Somaliland iyo maamulka Puntland midna kama taliyo,waxaad ogtihiin in cadowga Somaliland aanu ku jirno qorshihiisa iyo sidii la iskaga eri lahaa ,hawshaasna waanu ku jirnaa,waxa aanu u soconaa waxa weeye in aanu dhulkeena ka xorrayno. “ayey sheegee.

Geesta kalene xubnaha meesha ka hadlay ayaa sheegay in Somaaliland aanay wax wadda xaajood ahi ka dhaxayn,balse ay xabadi  ka dhaxayso “Somaliland wax xal ahi naggama dhexeeyo ee xabad ayaa nagga dhaxaysa,waxaanu u sheegaynaa kuwa deegaanka ka soo jeeda ee u shaqeeya inay dadkooda soo racaan, ciidankani waxay u diyaar yihiin inay dhabarka ka jebiyaan Somaliland oo ay ka xorreeyaan dhulkeena iyo inuu ilaaliyo midnimada Qaranka Somaaliya ,waxay ciidankani ku dhaarteen inay xorreeyaan Sool Sanaag iyo Cayn iyo caasimadda Laascanood ee cadowgu haysto .”ayey sheegeen.

Sidoo kalene waxay amaan iyo mahadnaq u direen Madaxweyne Farmaajo iyo Dawladda Somaaliya “Waxaanu diyaar u nahay la shaqaynta Dawladda Somaaliya iyo illaalinta midnimada Somaaliya, haddii Farmaajo taggo Dawladda kale ee timaadaaba waa Dawlad Somaaliyeed, Dawladda Somaaliya ha noolaato, Madaxweyne Farmaajo ha noolaado ,waxaanu uga mahadnaqaynaa gacansiinta iyo dhisida ciidamadan SSC .”ayey yidheeh-dee.

Gunaanadkii maleeshiyaddan oo sitay calanka Somaaliya,isla markaana ay xidhnayeen qaarkood, ayaa la aaminsan yahay inay tababarka siinaysay Xukuumadda Somaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo,taas oo la rumaysan yahay inay dhaqaalaha iyo hubka ay iyadu siinayso,waxaana xusid muddan in Somaliland ay sannadkii hore sheegtay inay qorshan  ay Xukuumadda Farmaajo ay ka waddo guddaha Somaliland gaar ahaana deegaanka Buuhoodle.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this