Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo dhammeeyey doorashada BF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo lagu ballamay in la dhammeystiro kama dambeys illaa 15-ka March oo maanta ku beegan.

Guddiga SEIT ee koonfur Galbeed ayaa maanta oo ay ku egtahay waqtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada soo xulay kuraastii ugu dambeeyey ee maamulkaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#047, Hop#172, Hop#164, Hop#197, Hop#204, Hop#181 iyo, waxaana ku soo baxay:-

1-Xaawo Sokor Cali oo  ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047. 2-Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo  ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172. 3-Maxamed Abuukar Cabdi oo ku guuleystey kursiga Hop#164. 4-Cumar Cali Balash oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#197. 5-Isaag Cali Subag oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#204. 6-Maryan Macalin Isaag oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#181.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay dhaqan-gelisay jadwalkii u dmabeeyey ee doorashada Golaha Shacabka, kaas oo ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

Doorashada Baarlamaanka ayaa soo martay heerar kala duwan, iyada oo deegaanada qaar ay ka jiraan caqabado hortaagan dhameystirka doorashada, waxaana ka mida Garbahaarey iyo Beledweyne oo ay weli ka taagan yihiin murano hareeyey kuraasta taalla halkaasi.

Soomaaliya ayaa ku daahday marxaladda adag ee kala guurka, kadib si qab-qabsiyo dib u dhigay doorashooyinka dalka oo dib u dhacay hal sano iyo ka badan.

275566305_170566498639290_25919581766998 275445569_170578555304751_44055231641815 275245342_170570608638879_19828902255774 275666776_170586095303997_81105937053256 275561436_170558811973392_50996064256382 275623712_511767040357301_22805111636918

The post Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo dhammeeyey doorashada BF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this