Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Ciidanka Asluubka Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1647333312668.jpg?resize=720%2C48

Taliyihii Ciidanka Asluubka Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Gen. Mahad ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo, waxayna ahayd mid natiijadeeda lasii ogaa, maadaama loo xiray kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172.

Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka mid noqonaya saraakiil badan oo ka mid ahaa ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo ku biiray Golaha Baarlamaanka.

Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gabagabaynaysa doorashada Golaha Shacabka, oo ay u harsanaayeen 7 kursi.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii Ciidanka Asluubka Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this