Sign in to follow this  
Deeq A.

DF iyo Al-Shabaab oo ka hadlay qarixii lagu dilay maamulihii Iskuulka Dayniile

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxii lagu dilay AUN Marxuum Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa maamulihii Iskuulka degmada Dayniile.

Marxuumka ayaa ku dhintay qarax lagula beegsaday laamiga dheer ee degmadaasi, kaas oo ahaa nooca miinada.

Wasaaradda waxbarashada ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada marxuumka, bahda waxbarashada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Daahir Digdigle uu ka mid ahaa maamulayaasha dugsiyadda dowladda, uuna ahaa maamulaha Iskuulka Dayniile.

“Wasiirka Waxbarshadda, Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa tacsi tiiraanya leh u diray Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda waxbarashada.

Allaha u naxariistee Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka maamulaha, waxaana ay shaacisay inuu ka mid ahaa argadii Galmudug ee soo xushay baarlamaanka cusub.

Si kastaba, qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

The post DF iyo Al-Shabaab oo ka hadlay qarixii lagu dilay maamulihii Iskuulka Dayniile appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this