Deeq A. Posted March 15, 2022 Ciidamada Puntland ayaa xalay fashiliyay dabley ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerar ku qaadaan magaalada Boosaaso. Ciidamada ayaa hawgal qorshaysan kaga hortagay kooxda oo si dhuumasho ah ku soo galay togga lagu magacaabo Gaaca oo ku dhow Boosaaso. Iska hor-imaad kooban ayaa sida wararku sheegayaan labada dhinac ku dhexmaray togga Gaaca halkaas oo laga ceyrshay kooxdii soo gashay. Intii hawgalku socday waxa qarax miino lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Daraawiishta Puntland waxaana ku dhaawacmay afar askari. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo qarax ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites