Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraastii u danbaysay xubnaha Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland oo la shaacinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer Puntland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda shaaciyaan kuraastii u danbaysay xubnaha laga soo doorto Puntland.

Guddiga ayaa laga sugayaa lixdii kursi ee u danbaysay 37-da kursi ee golaha shacabka ku metela Puntland kuwaas oo 31 kamid ah la doortay.

Shaacinta doorashada lixdaas kursi ayaa dhawr jeer dib u dhacday sababa la xiriira khilaaf ka jira kuraasta qaarkood.

Sidoo kale jadwalkii u danbeeyay ee lagu ballamay dhammaystirka doorashada golaha shacabka oo maanta ku eg ayaa dib u dhac ku yimid.

PUNTLAND POST

The post Kuraastii u danbaysay xubnaha Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland oo la shaacinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this