Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Wasiir Duraan oo lagu eedeeyey inuu fal yaab leh ka gaystay garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Diini Cali oo sheegay inuu yahay guddoomiyaha ururka isutaga diyaaradaha oo warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus u soo jeediyey wasiirka gaadiid iyo duulista XFS Duraan Faarax, oo sida uu sheegay shalay xirxiray.

Waxuu sheegay in Wasiir Duraan uu u adeegsaday askar, kadib markii ay isugu tageen kulan uu isugu yeeray ururka isutaga diyaaradaha, “Garoonka Diyaaradaha waxaa ka taagan dhibaato aan laga soo kabsaneyn,” ayuu yiri Axmed Diini.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in wasiirku uu sabab u yahay khilaaf waayahaan jiray oo salka ku haya in la dhiso urur cusub oo ay ku mideysan yihiin diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

“Maanta oo Isniin ah ayuu wasiirku shir nagu balamiyey, waxuuna la yimid wax ka duwan wixii lagu balamay, 12 shirkadood oo kuwa diyaaradaha ah ayaa ka gadooday oo yiri habraacaan maahan kaan ku heshiinay,” ayuu yiri isaga oo hadlayey xalay.

Intaas kadib waxa uu sheegay in dadkii ka socday shirkadaha dooda qabay ciidanka loo adeegsaday, “Madax ka socotay shirkadaha oo anigu aan ka mid ahaa ayaa la xiray, laba saac ayaan xireyn, cid kale eed ka sheega meyno, waxaan na dhibaateynaya wasiir Duraan Axmed Faarax,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomiye Axmed Diini waxa uu sheegay in dhibaatada ay ka tirsanayaan wasaaradda duulista hawada ay soo bilaabatay maalintii loo magacaabay wasiir Duraan, isagoo sheegay in wasiirku uu ku hanjabay inuu soo magacaabi doono hoggaanka midowga iskaashatooyinka diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

“Waxa meesha ka jira ma wada sheegi karo oo waxaan isleeyahay amaad wax reebataa, anagoo dhowreyna madax-banaanida ganacsiga iyo shuruucda kale ee dalka, waxaan cabasho ka nahay wasiir Duraan, waxaa isaga daran ganacsiga madax-banaan iyo shaqada wasaaradiisa, arrintaan deg deg ha uu soo faro-geliyeen madaxda sare ee dalka,” ayuu yiri Axmed Diini.

Hoos ka daawo

The post Video: Wasiir Duraan oo lagu eedeeyey inuu fal yaab leh ka gaystay garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this