Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda Midowga Yurub oo Gaaray Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyahay golaha wakiillada  Koonfurgalbeed ahna Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cali Saciid Faqi Ayaa maanta kulan la qaatey wafdi ay hogaaminaysay  safiirka Midowga yurub U-qaabilsan Soomaaliya Tiina Intelmann , waxaana qeyb ka ahaa wafdiga  Safiirrada  Sweden, Norwey iyo Holland.
Kulanka ayaa loooga hadlay wax ka qabashada Arimaha Abaaraha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyo taakuleynta dadka danyarta ah ee ku sugan xariyaha Barakaciyaasha, kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Gergaarka ,iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo.

Wafdigaan maanta gaaray Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xili xaalado abaareeb oo aad u daran ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolka Bakool iyo Shabeellada hoose oo lasoo warinayo in Wabiga uu biyo beelay oo wax soo saarkii beeraha ay yaraadeen iyo daaqa xoolaha sidoo kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this