Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday Baladweyne?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu doortay mid kamid ah kuraasta golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya, kaas oo tirsigiisu yaahay HOP#004,oo horay guddigu u shaaciyey in doorashadiisa ay maanta dhacayso, waxaana ku tartamay shan musharrax, kuwaas oo isku diiwaan geliyey.

1.  Abdi Dahir Cismaan
2.  Abdinasir Xaaji Shirwac maxamed.
3. Bilan Bile Maxamed
4. Faarax salaad dharaar.
5. Maxamed Maxamuud Cabdulle.
Waxaana tartanka kursiga la isla aaday wareegii labaad oo ay isugu soo hareen labadii musharrax ee ugu codka badatay oo kala ahaa musharrax Abdinasir Xaaji Shirwac maxamed oo wareegii koowaad helay 39-cod iyo musharrax Marwo Bilan Bile Maxamed oo heshay 35-cod, waxaana guddiga doorashooyinka ay sheegeen in lagu kala saarayo codka haldheerida 50+1.
Wareegii labaad ayaa lagudo galay doorashadiisa iyadoo la sugaayey inuu midkood soo baxayo, kaas oo noqonaya mudanaha xidhibaannada 11-aad ku biiraya, waxaana Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed uu kusoo baxay 61-cod, isaga oo HOP#004, ku guulaystay, musharraxii la gaaray wareega labaad ee Marwo Bilan Bile Maxamed ayaa heshay 40-cod codadkii Ergada.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this