Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Ka Ogtahay Hay’adda Madaxweyne Biixi Maraykanka Ku Martiqaadday?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad ka helay hay’adda The heritage Foundation ayaa booqasho ku jooga dalka Maraykanka.

Hay’adda The Heritage Foundation ayaa ah hay’ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, dawlad xaddidan, xorriyadda shakhsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo difaac qaran xooggan.

Hay’addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi baadhista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha —si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hoggaamin doona Ameerika.

Ha’yadda ayaa sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.

Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.

Hay’addan ayaa boggeeda ku daabacday in aanu jirin dal ka mid ah caalamka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo si madax bannaan ay ku dhaqmi jirtay soddonkii sanno ee la soo dhaafay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this